Dowlado ka tirsan midowga Yurub oo ogolaaday inay qaataan muhaajiriin ku go’adoonsan Badda.

Lix dal oo ka tirsan Dalalka Euorpe ayaa oggolaaday in ay qabilaan 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugan, muhaajiriinta ayaa in mudda ah laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo. Ciidamada badda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidi dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

Waxay hay’adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel looga dhacay dartii.