Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday war aan u rooneyn shacabka iyo Diyaaradaha oo la xanibay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaan la joojiyay dhamaan duulimaadyadii Magaalada Muqdisho, ilaa ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hwada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in gabi ahaan la joojiyay mudo maalin ah dhamaan Diyaaradihii imaan jiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo kuwii ka bixi jiray, maalintaas oo ah 8-da Bishan oo ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka Muqdisho la soo dhoobay ciidamo aad u fara badan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)