Dowladda Somalia oo go’aan cusub ka soo saartay duulimaadyada dalka & furitaanka duulimaadyada….

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada Caalamiga ah ee ka baxa Soomaaliya iyo kuwa yimaada.

Wasiir Oomaar oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sabab la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19 dob loogu dhigay furitaanka duulimaadyada,hayeeshee uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee dib loo furayo.

28-kii Bishii Maarso ee anadkaan 2020 ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulsta hawada waxaa ay ku dhawaaqday in la joojiyay duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ka baxa,kadib markii kiisasii ugu horeeyay ee Coronavirs xilligaas laga helay Soomaaliya.

3-ka Bishaan ayaa la hadal haayay in dib loo furaayo duulimaadyada,iyada oo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa qaar kamid ah dalalka Caalamka.