Dowladda Maxay ka tiri Go’aankii ICJ ?

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii ay gaartay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee ahaa in ay qaadikarto Dacwadda Badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa Warbaahita u sheegay in Soomaaliya ay Maanta gaartay guul ay ku faanikarto.

Guul Taariikhi ah ayuu ku tilmaamay Go’aanka Maxkamadda.

Hadalka kasoo baxay Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku soo aadaya xilli Saacado ka hor Maxkamadda ICJ aya ku gacan seyrtay dalabkii Kenya ee ahaa in Maxkamaddaan aysan qaadin Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo kenya, isla markaana aysan awood u lahayn.

Sidoo kale Maxkamadda Cadaaladda caalamiga ah ayaa Aqbashay inay qaado dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya taas oo ah dalabkii Soomaaliya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay in Maxkamadda ay qaado dacwadaan sidoo kalana ay sii socoto dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay dowladda kenya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)