Dowladda Federalka oo wali aan furin safaaradda Nairobi, shacabka oo dhibaaato ku qaba iyo sabbata

Waxaa wali xiran safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana dhibaato ku qaba muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku safra warqadaha aqoonsiga Soomaaliya .

Soomaalida ku nool Kenya ayaa sheegtay  inay dhibaato ku qabaan inay ka baxaan dalka Kenya oo ay muddo bilooyin ah ku xayiranyihiin, kaddib xiritaankii Safaaradda Soomaaliya oo ilaa imika aan la furin.

Safaaradda ayaa markii hore muwaadiniinta Soomaaliya ka heli jireen warqadaha socdaalka ee ay u baahan yihiin.

Cabdirisaaq Maxamed oo qoyskiisa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya ayaa sheegay in culeys aad u farabadan ay ku heysto xirnanshaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka kenya, isla markaana siwyen looga dareemay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay Cabdirisaaq in dhawaan safaaradda dib lo furo maadaama dhawaan heshiis laga gaaray khilafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xoogaa isku soo dhawaansho ah oo dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo Safiirkii kenya ee Soomaaliya uu soo gaaray magaalada Muqdisho, halka la filayo in Safiirka Soomaliya ee Kenya in uu dib ugu laabto dalkaas.