Dowladda Cuba oo war ka soo saartay Dhaqaatiirtii laga afduubtay Kenya

Dowladda Cuba ayaa xaqiijisay in ay badqabaan laba dhaqtar oo u dhashay dalkaas kuwaas oo Bishii April ee sanadkan laga afduubtay Mandheera islamarkaana lala galay gudaha Soomaaliya.

Ines Maria Chapman, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Golaha wasiirrada dalka Cuba ayaa wariyayaasha ugu sheegtay Magaalada Havana in labada dhaqtar ay caafimaad qabaan dowladda Cuba oo kaashaneysa Kenya ay ku howllanyihiin siideyntooda.

Waxaa ay ka warbixineysay socdaal ay ku tagtay dalka Kenya,waxaa kale oo ay sheegtay in dhaqaatiirta kale ee Cuba u dhashay kana howlgala Kenya oo hadda ah 98 Dhaqtar ay dhamaantood badqabaan.

Ines Maria Chapman, ma sheegin goobta lagu hayo labada dhaqtar iyo tallaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen si dhaqaatiirtaas xorriyaddooda dib ugu helaan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaqaatiirta kale ee u dhashay Cuba dib u dejin loo sameeyay lagana wareejiyay aagga sohdinta Soomaaliya lana dejiyay meel u dhow caasimadda Nairobi.

Cuba ayaa horay u sheegtay in kooxda heysata labada dhaqtar ay dalbadeen madaxfurasho dhan $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah inkasta oo aan la caddeyn in Cuba bixineyso haddana dowladda Kenya ayaa xilligaas sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan ahayn bixinta madax furasho.