Dowladd Awood Leh oo Saldhig Malatari Ka Furanaysa Xarun Maamul Goboleed+Ujeedada Loo Furayo

Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay Saldhigyo Ciidan ka dhiseysaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed ee Somaliya.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha Maamulkaas Maxamed Xasan Fiqi,ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ay isku afgarteen dhismaha labo Saldhig oo lagu tababaro Ciidanka Maamulkaas.

Sidoo kale Fiqi,waxaa uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ka caawineyso maamulkaas qalabeynta Ciidanka lagu tababarayo labo Xero ciidan ee ay ballan qaadday Dowladda Ingiriiska in ay dhiseyso.

Wasiirka Beeraha Maamulka Koofur Galbeed Somaliya ayaa sheegay in Maamulkaas iyo Safaaradda ay 4 Cisho ka hor ka wada hadleen saldhigyadaas,sidoo kalena maanta ay doonayaan in ay billaabaan fulinta howshaas.

Dowlada Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha taageera Somaliya ee dhanka Siyaasada iyo Millaterigaba ka taageera dalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)