Dowladaha Fara-galinta Ku Haya Doorashada Madaxweynaha oo Digniino Loo Jeediyay+Dhageyso

Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo Shir Jaraaid ku qabtay  Magaalada muqdisho  ee Caasimada Soomaliya ayaa sheegay in dowladaha dariska, sida Ethopia,Kenya, iyo kuwa kale  ay faragalinta cad ku hayaan doorashada Madaxweynaha ee 8-da bishaan dalka ka dhacaysa.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke  Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa tilmaamay in haatan ay sii xoogaysanayaan dowladaha faragalinta ku haya wadanka Soomaliya, iyo tan doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya islamarkaana ay  doonaya in gabi-ahaanba ay saameyn weyn ku yeeshataaan doorashada Madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke  ayaa Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ugu baaqay in ay faraha kala baxaan doorashada, si shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu madax banaanaadaan Dalkooda.

Ugu dambeyntii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Raisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay xukuumadiisa sababta ay dalka u gaarsiin weydau Doorasho qof iyo cod ah in ay tahay xasilooni daro Siyaasadeed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)