Dowlada Somaliya oo Qaadacday Shir Lagu Waday Inuu Kadhaco Nairobi ‘Hadaba Muxuuyahay Shirkaasu’

Dowladda Soomaaliya ayaa Sicad U qaadacday shir maanta lagu waday iney ay ku wada hadlaan Somaliya Iyo Somaliland oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fursade oo ka mid ahaa xubno horey loo sheegay iney dowlada ku metelayaan wadahadalkaas.

“Kama qeyb galayso Dowladda Federaalka Soomaaliya shirka la sheegay inuu Nairobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa inay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah in lala furo Somaliland marka goobta, ajendaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo” ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada oo hadalkan soo dhigay bogiisa Twitterka.

Shirkan ayaa noqon lahaa mid heerkiisu hooseeyo ayaa waxaa soo agaasimay heyad NGO ah oo ka shaqeysa dhinaca wadahadalka iyo bani aadamnimada.

           HOOS KA’AQRISO QORAALKA AGAASIMAHA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here