Dowlada oo Shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar ismiidaamin ah oo caawa lagu qaaday maqaayada Jelato Divino ee kutaala wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay ku dhinteen sideed qof sidoo kale ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, waxaana dadka qaraxa ku dhintay u badnaayeen dhalinyaro.

Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa tacsi tiiraanyoi leh u diray eheladad dadkooda ku dhintay, waxa uuna caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay, isagoona xusay in dowlad garab siin doonto dadka dhaawacyada qaba.

Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya