Dowlad Goboleydyada Dalka oo u faruuryo qaniinsanaya Madaxweyne Farmaajo

Korneel Maxamed iImaaciil Shuuke oo ah qabiir dhinaca Milatariga islamrakaana wax badan kala socda xaalada siyaasadeed ee dalka iyo isbadalada dhacaya ayaa sheegay inay suura gal tahay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay caaqabado kagayimaan maamul goboleydyada kajira dalka oo ay hiragalisay doweladii hore ee madaxweyna Xassan.

Korneelka ayaa faahfaahiyey caqbadaha imaan kara iyo waxa ay yihiin oo uu tilmamamay in maamul gobaleedyada loo sameeyey qaab qabiil ahaan oo wali qabaa’iladu qaar ay tabasho ka yihiin maamul gobaleedyadu taasina ay tahay dhibaato xalkeeda uga baahan madaxweynaha cusub ee Farmaajo.

Waxaa uu xusay in nidaamkan Maamul gobaleedyada ee lasameeyey shaqaba aanku laheyn soomaali balse uu yahay mid loogu talagay Bulsho kala jinsi ah kala luqad ah kala diin ah islamarkaana ay adagtahay si loofahamsiiyo dadka Soomaaliyeed .

Korneel Maxmed Ismaaciil Shuuke aya ka hadlay xalka ugu haboon ee arintaan ku aadan  isagoo ugu baqay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  inuu udaayo tala kastaa culima udiinka iyo waxgaradka oo uu kala hadlo xalka iyo waxa loo baahanyahay si loo soxo qaladaadka jira ee Maanta


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)