Doorasho lasii ogyahay cida ku guuleesaneysa oo maanta Baydhabo ka dhaceysa iyo wararkii ugu danbeeyay xaalka

Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa ka socdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana la filayaa in saacado kadib halkaasi ay ka bilaabato doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Amaanka magaalada waxaa aad u adkeeyay ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamada meletariga Dowladda Ethiopia oo kusugan magaalada Baydhabo, si looga hortago amni daro ka dhacdo magaalada.

Ilaa Shan musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kuwaasi oo horey u jeediyay khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka loo doorto xilka madaxweynaha.

Goobta Doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan ciidamo si gaar ah u xaqiijinaya amaanka, iyadoo laga baqayo inay dhacaan carqalado saameyn kara doorashada Koofur Galbeed.

Ilaa xalay waxaa socday kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta dhiibanaya codadkooda, waxaana la saadaalin karin sida doorashada ay noqon karto.

Waxaa lasii ogyahay in doorashada maanta dhaceysa hadii mucjio kale aysan dhicin uu ku guuleesan doono Musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo taageero weyn oo isugu jira mid dhaqaale iyo garab istaag ka helaya Dowlada federaalka Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si xoog ah looga reebay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharaxiinta la saadaalinayay in doorashada ku guuleesan karo.

Badweyn Online ayaa daqiiqad walbaa idinla socodsiin doonta natiijada doorashada iyo sida ay wax u socdaan Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here