Doorasho ku celis ah oo maanta dhaceysa, Ogow cida ku tartameysa

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Dorashada Hal kursi oo ku celis ah, kaas oo Degaan Doorasho ahaan ka soo jeeda Maamulka Galmudug oo xarun KMG u ah Magaalada Cadaado.

Doorashadan ayaa waxa ay 09:00 subaxnimo ka bilaaban doontaa xarunta Iskuul buluusiyo ee General Kaahiye, sida ay Risaala u sheegeen Guddiga Doorashooyinka.

Saxaafada Labada dhinac ayaa xalay lagu soo wargeliyay in ay goob joog ka ahaadaan Doorashadan, waxaana lagu wadaa in iyaga oo koox ah goobta la geeyo, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ay walaalo yihiin Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka QarankaSoomaaliya ee NISA C/laahi Gaafow Maxamuud iyo Labo Musharax kale ayaa ku tartamaya kursigan.

Xarunta ay Doorashada ka dhaceyso ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay waxaana lgu diyaariyay, Ciidamo kala duwan oo amniga suga, si aysan u dhicin arbushaad xilliga ay socoto Doorashada.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa horey u laalay 5 ka mid ah kuraasta lagu doortay Degaan Doorashooyinka, Puntland kursigeeda way soo dhameystirtay, halka Maamulada kalena weli a harsan yihiin.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)