Doorashadii Ugu Yaabka badneyd oo Kismaayo ka dhacday & Tartamayaashii oo kala guuleysan waayay

Doorasho aan hore loo arag ayaa shalay ka dhacday magaalada Kismaayo markii la dooran waayay kursi ku celis ahaa oo la laalay.

Waxaa doorashada ay ka mid ahayd kuraas 5 ah oo dib loo celiyay, iyadoo hore looga joojiyay wasiirkii Batroolka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Kursiga Beesha Beesha Gaaljecel/Doqondiide ee magaalada Kismaayo yaalay waxaa ku tartamay Wasiirkii Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir, waxaana dhacday in midkoodna guuleysan waayay sida ay sheegeen Guddiga Doorashada.

Doorashada ayaa la galay laba wareeg, waxaana dhacday in natiijo sax ah ay soo bixi weydo, iyadoo codad fara badan la sheegay inay xumaadeen, isla markaana codadka saxda ah ay noqdeen kuwo aan lagu kala saari karin labada musharax

Maxamed Mukhtaar uu ku horeeyay, xaqna u lahaa in la shaaciyo inuu ku guuleystay tartanka, balse laga hor istaagay oo Guddigu sheegeen in mar kale lagu celinayo doorashadaasi

Waa doorashadii ugu horeysay ee kursi xildhibaan lagu kala bixi waayo guud ahaan lixdii goob ee ay dhaceen doorashooyinka dalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)