Doorashada Soomaaliya Ma Dustuurka ayaa Haggi Doona Mise Xeer Jab-Jab! (Wax badan ka Ogow)

Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ee uu ansixiyay Golaha Shacabka, dabadeedna uu saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo, 2020, wuxuu qeyb ka yahay nidaam la doonayo in lagu dhiso dowlad haysata kalsoonida shacabka, iyadoo la suurtoggelinayo in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.

Hirgellinta xeerkan, waxaa ku horgudban caqabaddo siyaasi ah iyo kuwo farsamo, una baahan in la xal loo helo, si fursad loo siiyo dhagaysiga fikradaha ka dhex jira bulshada!

Qoondada dumarka, asteenta goobaha la dhigayo kuraasta lagu tartamayo, metalaada dadka degan gobolka Banaadir, iyo nidaamyada lagu soo dooranayo kuraasta loo qoondeeyay dadka reer Somaliland, waa howlaha farsamo ee loo baahan yahay in xal loo helo.

Gudoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Ku Meel Gaarka ah ee Baarlamaanka Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow, ayaa sheegay in ay soo dhamaystireen tallooyinkii, iyo wadatashigii dhanka farsamada ay ku samaynayeen 4tii qodob ee ay u wakiisheen labada aqal. Intaas waxuu raaciyay in warbixintooda ay hordhigayaan xildhibaanada baarlamaanka markii la kulansiiyo, si ay xeer sharci uga dhigaan (BBC May 22, 2020).

Haddii baarlamaanka Soomaaliya uu ku guulaysto inuu go’aan ka gaaro afarta qodob, waxaa kaloo loo baahan yahay in wax ka beddal lagu sameeyo Sharciga Xisbiyada si loo waafajiyo Xeerka Doorashada.

Natiijada doorashada Jubbaland oo aysan aqoonsan Wasaarada Arrimaha Gudaha DFS, khilaafka ka dhex jira madaxda Puntland [Deni iyo Karaash] iyo Hirshabelle [Waare – Guudlaawe iyo Cismaan], dib-u-dhaca doorashada Hirshabelle, iyo ismaandhaafka u dhaxeeya Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo xukuumadda waa caqabaddo siyaasi ah, oo wax u dhimi kara qabsoomida doorasho aan wakhtigeeda dhaafin.

Waxaa xusid mudan, in masiibooyinka dabiicigga ah, sida Covid-19 iyo masiibada ka dhalatay fatahaadda webbiyada, iyo ayaxa ku habsaday dalaggii beeraha iyo dhulka daaqsinka ay yihiin mushkilad xalinteeda aysan ku filnayn dowladda Soomaaliya. Haddaan xal degdeg ah loo helina saamayn ku yeelan kara qabsoomida doorasho ku dhacda xilligeeda.

Hadabba yaa xaq u leh muddeynta taariikhda laga qabanayo doorashada dalka?

Qodobka 13-aad, farqaddiisa 3-aad ee Sharciga Doorashada Qaranka waxuu dhiggayaa inuu muddeeynta taariikhda doorashada cayimo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorasha Qaranka (GDQ) ugu yaraan 180 maalmood ka hor wakhtiga codbixinta qabsoomayso.

Danjire James Swan mar uu warbixin siinayey Golaha Amaanka ee QM waxuu yiri “Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka ayaa waxay kalfadhi wadajir ah ee Aqallada Barlamaanka uga warbixin doontaa qorshaha qabashada doorashooyinka muddada dastuuriga ah dhexdeeda.” ​Hadalkaas waxuu waafaqsan yahay sharciga doorashada qaranka.

Halkaas waxaa ka cad, in Golaha fulinta iyo Aqallada Barlamaanka midkoodna dastuurka uusan siinayn awooda muddeeynta taariikhda qabsoomida doorashada!

Guddoomiyaha ​GDQ, waxuu muddeeyn karaa taariikhda qabsoomida doorashada, markii Aqallada Barlamaanka ay dhamaystiraan xeer nidaamiyaasha kaabaya sharciga doorashooyinka qaranka.

Sida muuqata, Covid-19 iyo caqabadaha siyaasadda waxay dib u riixayaan in doorashada wakhtigeeda la qabto. Weliba saamaynta Covid-19 kuma koobna arrimaha siyaasadda, balse waxuu saamayn ku yeeshay amaanka qaranka iyo howlihii uu xafiiska QM ka waday Soomaaliya.

Waxaa xaqiiqo ah, in gudaha Soomaaliya uu si weyn ugu faafay caabuqa Covid-19, ayna u geeriyoodeen dad badan. Qoraal ay soo saareen 29-kii April, 2020, ayey  ku cadeeyeen in dib loo dhigay shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen lixda xisbi ee ku bahoobay Madasha, sababo la xiriira cudurka Covid-19 awgiis.

Sidoo kale, Covid-19 waxuu saameyn ku yeeshay kulamadii iyo howlihii Aqallada Barlamaanka, Gudiga Doorashada Qaranka, Golaha Fulinta, QM, AMISOM, socdaalka, iyo dhaqaalaha. Waxaa xaqiiqo ah in doorashada ay dib uga dhacayso wakhtigeeda.

​Inkasoo, ay jiraan dalal qabsaday doorasho, misna 62 dal oo ku kala yaal ​daafaha dunida ay go’aansadeen inay dib u dhigaan doorashooyinka qaran iyo kuwa dowladaha hoose sabab la xiriirta COVID-19 (Idea  23/05/2020).

Hadabba aanu isweydiinee maxaa xal ah?

Baarlamaanka 9aad waxuu 27ka June 2016, ansixiyay sharci Lr. 20 kaddib markii goluhu uu darsay jahawareerka siyaasadda Soomaaliya. Xildhibaan Jawaari, ayaa yiri “si aysan u dhicin marnaan (vacuum) xagga maamulka xukuumadda, maadaama siyaasadda Soomaaliya sal fadhiya ​aysan lahayn ay muhiim noqotay in Baarlamaankii 9aad, ansixiyo in Baarlamaanka Federaalka uu jiro ilaa la helo kii beddeli lahaa (Jamhuriyadda.com).”

Dib u dhigista doorashada Soomaaliya ma ahan xaajo uggub ah, waxaa muddo sanad ah dib loo dhigay xilligii Madaxweyne Sheikh Sharif, kaddib markii 9-kii June 2011 lagu nuxurtiray howshii barlamaanka heshiiskii “Kampala Accord.” Sidoo kale xilligii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud waxuu dib-u-dhac ku yimid wakhtigii doorashada muddo lix bilood ah.

Sidii caadada ahayd, xilliyada lagu gudo jiro doorashooyinka Soomaaliya, waxaa kordha faragelinta shisheeyaha ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, si ay u helaan guulaystayaal ay iska kaashan karaan dano siyaasadeed iyo dhaqaale.

Wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga waxuu durbaba u tuuray siyaasiyiinta qob moos kaddib markii uu ku qoray bartiisa Twitter-ka in “Midowga Yurub ay ka walaacsan yihiin cawaaqib xumo inay ka dhalato taariikhda cusub ee loo qabtay in Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya ay hortagto Barlamaanka Federaalka!”

Waxaan shaki ku jirin, in faragelinta dowladaha deriska iyo tan khaliijka carbeedba si weyn looga dareemi doono gudaha dalka muddada lagu gudo jiro loolanka doorashada.

Siyaasadda Soomaaliya waa inay hagto qanuunka iyo hay’adaha dastuuriga ah, oo la iska iloowaa xeer jabjabkii lagu soo dhaqmayey tobonaankii sano ee la soo dhaafay.

Saciid Cabdisalaam