Doodii C/Kiriin Qalbi Dhagax Oo Golaha Shacbaka Ay Guda Galeen & 178 Mudane Oo…

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku Lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa waxa hadda la guda galay ka doodista sida Baarlamaanka u arko Qadiyada Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay dhawaan usuurta geli weysay inay ka shiraan Arinta Qalbi dhagax ayaa waxa hadda laga arinsanayaa Qadiyadaasi.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaana ku kala aragti duwan Warka Kusaabsan dhiibistii Qalbi dhagax oo loo gacan geliyey Dawlada Itoobiya Dhamaadka Bishii Hore.

Xildhibaanada joogta 178 Mudane ayaana la sheegayaa inay xaadireen Fadhiga,Ka doodista Arintaasi ayaa socota,Waxa Xildhibaanada Qaar Ee taageersan Xukuumada ay sheegeen in ONLF tahay Argagaxiso tahay xitaa Xuduudaha Gobollada Soomaaliya dad laayey.

Xildhibaanada Mahad Maxamed Salaad ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Itoobiya sidii loogu gacan geliyey C/kiriin Qalbi dhagax.

C/rashiid Maxamed Xiddig iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankooda muujiyey in Xukuumada Soomaaliya ku deg degtay go’aanka Ay Itoobiya ugu gacan gelisey C.kiriin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

NAGA FILO FAAH FAAHIN INTAAN KA BADAN INSHA ALLAAH


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)