Donald Trump oo meesha ka saaray rajadii Soomaaliland iyo Soomaaliland oo afka furatay.

Maamulka Soomaaliland ayaa ku andacoonaya in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,  uu kala saaray Khariiradda Somaliland iyo Soomaaliya , waxaanu gaar uga saaray Maabka Soomaaliya oo ku jirta toddoba Waddan oo Muslim ah oo uu si ku-meel-gaadhka ah muddo sagaashan cisho ah uga joojiyey inay dalkiisa geli karaan.

Toddobada Waddan ee uu Madaxweyne Trump in Qaxoontiga ka tegaya la qaabbilo xannibaadda ku soo rogay sida uu sheegay muddo sagaashan cisho ah, ayaa kala ah Soomaaliya, Suudan, Libiya, Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Iiraan, kuwaas oo uu ku sheegay inay jiraan Ururro Argaggixiso, balse inta badan caalamka u muujiyey nacaybka uu Islaamka u qabo, isaga oo sheegay inay caawin doonaan Dadka dalalkaas ee Diimaha aan Islaamka ahayn haysta, isla markaana uu sheegay inaan Maraykanku hore wax muuqda ugu qaban Maseexiyiinta iyo Kiristaanka ku dhaqan dalalkaas.

Hase-yeeshee, waxaa xusid mudan inuu Madaxweyne Trump soo saaray oo ay si rasmi ah u baahisay Warbaahinta CNN-tu 30-kii bishan ee shalay Khariiradda ama Maabka toddobadaa dal ee uu xannibaadda ku soo rogay Dadkooda, waxaa ku jirta Soomaaliya oo uu ka reebay Khariidda inta ay Somaliland kaga jirto oo aanu isugu qaadin ama isugu darin sida inta badan dunidu isugu qaaddo ee ay Hal Khariirad uga dhigto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)