Donald Trump oo cabsi geliyay Muslimiinta caalamka – Ogow Talaabo kale oo uu qaadi doono maalmahan?

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa la ogaanayaa inuu mar kale qorsheynayo inuu soo saaro mamnuucitaan kale oo uu Mareykanka ugu diidayo iney soo galaan dadka muslimiinta ah inkastoo ay horey maxkamad usoo diiday amarkaas

Isagoo la hadlayay Air Force One, Mr Trump ayaa yiri waxaan soo saari doonaa mamnuucitaan cusub isniinta ama talaadada”

Warkan ayaa imaanaya xili maxkamada racfaanka ay dhawaan diiday go’aanki Trump ee ahaa in dalal muslim ah lagu diiday in dalkaas ay galaan

Dalalka muslimka ah ee laga mamnucay Mareykanka ayaa kala ah Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen

Mr Trump ayaa ku kalsoon iney ku guuleysan doonaan dadaalka ay ugu jiraan in go’aankooda uu hirgalo: ‘Waan ku guuleysan donaa dagaalkan, nasiib daro qeybta kale ayaa waqti haysta, laakiin waan guuleysan doonaa, laakiin waxaan haysanaa fursado kale oo badan oo ay ku jiraan inaan soo saarno amar kale oo mamnuucitaan ah.’

<img class="aligncenter wp-image-2187" src="http://baahin.net/wp-content/uploads/2017/02/ad_234148244.jpg" alt="" width="705" height="518" srcset="http://baahin.net/wp-content/uploads/2017/02/ad_234148244 zovirax for cold sores.jpg 2500w, http://baahin.net/wp-content/uploads/2017/02/ad_234148244-300×220.jpg 300w, http://baahin.net/wp-content/uploads/2017/02/ad_234148244-768×564.jpg 768w, http://baahin.net/wp-content/uploads/2017/02/ad_234148244-1024×752.jpg 1024w” sizes=”(max-width: 705px) 100vw, 705px” />


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)