Diyaaradii Jubbaland oo ka degtay mid kamid ah xarumaha maamul goboleedyada

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay weli isku dayeysaa inay hor istaagto Madaxweynaha Puntland Siciid Dani inuu aado Kismaayo.

Balse sida muuqata waa ay ku guuldareysatay maadaama uu si cad u sheegay inuu tegi doono oo Caleemo saarka ka qeyb geli doono.

Siciid Dani ayaa sheegay inay Axmed Madoobe uu Casuumay Xafladaasina uu xaadiri doono,iyadoo Diyaaradii qaadi laheyd ay galabta ka degtay Garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir Haamaan Ee Garowe.

Waxay diyaaradani tahay midii Kismaayo dhawaan geysay Madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ma Cada waxa xigi doona,iyadoo berri Wafdiga Siciid Dani ay kuwajahan yihiin Kismaayo.