Diyaaradaha Qaadka oo Maalintii Labaad aan Imaan Muqdisho (Xagee ayay Maanta kasoo dageen?)

Ganacsatada qaadka ka keenta dalka Kenya ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay markale ka soo dejiyeen qaad garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Gaadiidka u sida qaad magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkay iyagoo dhex maraya magaalada Jowhar kadib markii ay ganacsatada qaadka ay bilaabeen inay ka soo dejistaan qaadka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Mid kamid ah ganacsatada qaadka ayaa  sheegay in adeeg wanaagsan iyo soo dhoweynba ay ka heleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayna u mahadcelinayaan.

Ganacsatada qaadka ayaa u soo wareejiyay ka soo dejinta qaadka ay ka soo dejinayeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho magaalada Jowha kadib markii ay sheegeen in canshuur badan ay ku soo rogtay dowlada federalka Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay