Diyaarad Muqdisho maanta ka qaaday Ciidanka Haramacad oo la geeyey…

Cutub katirsan Booliska Haramacad ayaa waxa maanta la geeyey Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Sida gaarka Utababaran Ee Haramacad ayaa diyaarad waxay ka qaaday Muqdisho sida la sheegeyna waxay ka qeyb qaadan doonaanaa  Howl galada ka dhanka ah Al shabaab.

Saraakiil katirsan Booliska Haramacad ayaa sheegay in ciidankaan lagu xoojin doono ciidamada gulufka dagaal ka wada Gobolka Sh/Dhexe oo deegaanada qaar dagaalo ay ka socdaan todobaad ka badan.

Sidoo kale Askartaan maanta la geeyey Jowhar ayaa amniga Caasimada HirShabelle ee Jowhar kuwa suga lagu biirinayaa.

Dhawaan waxaa jirtay in dagaal uu ku dhexmaray Xaafada Badacas Ee Galbeedka Jowhar ku taalla Ciidamada Haramacad iyo Maleeshiyaad katirsan Macawiisleyda.