Dhul-gariir Xoogan oo Kudhuftay Taiwan Iyo Qasaara Kadhashay..

Dhul gariir cabirkiisa lagu sheegay 6.0 cabirka dhul gariiryada ayaa ku dhuftay waqooyi bari ee jasiirada Taiwan.

Kooxda la socodka dhul gariiryada ee Taiwan ayaa sheegtay in dhul gariirka uu galinkii hore maanta oo khamiis ah ku dhuftay badda Pacific’ga gaar ahaan meel 36km u jirta magaalada ku taala koonfur bari ee Yilan.

Muuqaalo laga baahiyay Tv’ga qaranka ayaa muujinayay dhul gariirka oo saamayn xoogan u gaystay dhismayaal badan oo halka dhul gariirku ku dhuftay ku yaalay.

Majiro wax qasaara ah oo lasoo wariyay oo ka dhasahay dhul gariirka balse in kabadan 1,000 qoys oo ku sugan waqooyiga Taiwan ayaa lasheegay in koronto la’aan ay soo wajahday.

Dhul gariiryo gaaraya ku dhawaad illaa iyo 2,000 ayaa lasheegay in ay ku dhufteen jasiirada Taiwan kuwaasi oo ay ku dhinteen dad ka abadn 2,300 oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here