Dhalinta Galmudug Oo Is Muujiyey Maanta iyo M/weyne Farmaajo Oo K/Gaalkacyo Tegay [Sawirro]

Dhalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Gaalkacyo Koonfurteeda ayaa maanta is muujiyey soona bandhigay sida ay udiyaar garoobeen soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa duhurnimadii gaaray dhinaca Galmudug ay ka arimiso Ee Koonfurta Gaalkacyo.

Boqolaal Shacab ah ayaa diyaar garoow ilaa Saaka ah ay tubnaayeen wadada hareeraheeda ay keentay inay si qurux badan Wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyaan Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf,Xildhibaano uu ka mid yahay Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb diid) iyo Mas’uuliyiin dhowr ayaana wafdiga Farmaajo ku wehlinaya Safarkiisa Nabada Ee Galmudug Maanta uga bilowday.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay