Home WARARKA DHAGEYSO & SAWIRO: Dagaal jilbaha la isku aastay oo Al-shabaab iyo Ciidamada...

DHAGEYSO & SAWIRO: Dagaal jilbaha la isku aastay oo Al-shabaab iyo Ciidamada DF dhexmaray..

4
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa dagaal xoogan ku dhexmaray degmada Qansax dheere ee gobolka Baay,waxaana dagaaalkaasi uu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dadka ka badan 10 qof sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Abaanduule Cabdulle Isaaq Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen Weerar ay kusoo qaadeen Shabaab.

Sidoo kale,Dowladda waxay shaacisay iney kordhin doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here