Dhageyso:Xildhibaan Xidig”Waan diiwaan-gelineynaa dadka wax ku dila Kismaayo waana la yaqaan”

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ahaa Musharixiintii isbedel-doonka Jubbaland,sidoo kalena taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay kordheen dhibaatooyinka lagu haayo dadka ku nool deegaannada Jubbaland gaar ahaan Magalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in kismaayo dad badan lagu dilay kuwo kale lagu dhaawacay,sidoo kale kuwo hanjabaad lagu haayo,hayeeshee Xubnaha isbedel-doonka ay weli howlahooda caadiga ah sii wataan,isla markaana hakin doonin.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay diiwangeliyeen,dadka la dilay, kuwa la dhaawacay,sidoo kalena ay hayaan sawirada cadeynta iyo dadkii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay Magalada Kismaayo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in 8 Sano kadib dadka Reer Jubbaland ay weli yihiin kuwo kala qeybsan,isla markaana doorashadii xilligaas dhacday iyo tan dhawaan ka dhacday Kismaayo ay yihiin kuwo isku mid ah.