DHAGEYSO:War naxdin leh oo naga soo gaaray mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan….

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa dab khasaaro geystay uu ka kacay Guri ku yaalla degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir gaar ahaan dhabarka dambe isbitaalka kulmiye

Guriga uu Dabka u ka kacay ayaa waxaa ku sugnaa Carruur iyo laba qof oo waayeel ah,waxaana uu sababay geerida mid kamid ah Carruurta  joogtay giurga dabka uu ka kacay.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Mid ka mid ah dadka deriska la’ah qoyska Guriga uu dabka ka kacay ayaa sheegay in Cunuga geeriyooday uu jiray da’da labada Sano,isla markaanas idoo kale uu burbur xooggan soo gaarey Gurigii uu dabka ka kacay.

Gawaarida gurmadka deg dega ee Ambalaasta ayaa soo gaarey guriga uu dabka ka kacay,iyaga oo ugu dambeyn ku guuleystay in ay demiyaan dabkaas oo inta badan baabi’iyey Guriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here