DHAGEYSO:MD Xaaf oo kawarbixiyay shirarkii Nairobi ee beesha caalamka iyo halka oo maraayo khilaafka DF iyo maamulada

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa Maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Magalada Nairobi ayaa waxa warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in uu uga qeyb galay shir ay qaar ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada la yeesheen xubno ka socday Beesha Caalamka,waxaana uu sheegay inaysan jrin wax kulan ah ay yeesheen balse kaliya ay is arkeen.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankooda uu 10-ka Bishaan ka dhici doono Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,waxana Madaxda Dowladda uu ku eedeeyay in weli ay wax war ah ka la’yihiin.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa weli taagan,iyada oo aan wax xal ah laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here