DHAGEYSO:Kulan muhiimad weyn uleh maamulka Puntland oo dhex maray MD Deni iyo ganacsatada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso.

Kulanka Ganacsatada iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Gobolka kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Muhiimadda kulankan ayaa ahaa sidii Maamulka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland uga wada shaqay lahaayeen horumarinta arrimaha ganacsiga sida, suuqgaynta wax soo saarka dalka, horumarinta ganacsiga, taageerada ganacsi ee dalka ka socota,arrimaha Maalgashiga dalka iyo in laga wadashaqeeyo sidii khayraadka dalka, gaar ahaan Puntland suuqayada caalamka loogu soo bandhigi lahaa.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Magalada Boosaaso ee kulanka ka qeyb-galay ayaa ka hadlay waxyaabihii ay Madaxweyne Deni ay kala hadleen.