DHAGEYSO:Dawlada Oo Awood U Isticmaaleysa Doorashada Galmudug

Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay Awood meliteri isticmaaleyso Arimaha Doorashada Galmudug,xilli ciidamo badan ay Ka joogaan Magaalada Dhuuso mareeb.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Xasilinta C/llaahi Macalin (Madoobe) ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay dhuuso mareeb ayaa ka hadlay Xaalada Amaan ee Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in Taliye C/llaahi in ay Howlgalo Amniga lagu xaqiijnayo bilaabi doonaan,islamarkaana dadka loogu baaqayo inay Ciidanka la shaqeeyaan.

Taliyaha Amniga Dhuuso mareeb waxa uu sheegay inay maanta halkaasi kusoo dhaweeyeen Wafdiga Gudiga Doorashada Galmudug oo Amnigooda la sugi doono.

Siyaasiyiinta sida weyn ula socda Arimaha Doorashada galmudug waxay sheegeen in Awood sheegasho ay Dawlada Sameyneyso.

Tan iyo markii uu sii cakirmay Khilaafka Dawlada Dhexe iyo Ahlusunada Galmudug ku biirtay waxay taas sabab ka dhigtay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeday,iyadoo Ciidamo badan ay Dawlada ka joogaan Dhuuso mareeb.

Sida muuqata dawlada Dhexe ayaa markaan xaniinyo sib ku sameeneysa Ahlusuna,waloow Sheekh Shaakir iyo Ahlusuna ay iyaguna iskood Doorasho inay uqabtaan doonayaan.