DHAGEYSO:Dagaalada culus kasocda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan oo la shaaciyay shaqsiyaadka hurinaayo oo dhaqaalaha baxsho”Yaa kamid ah”

Siyaasiga Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) marna soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalada ka soo cusbnooday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in xiiasadaha colaadeed iyo dagaalada marwalba ka dhaca Gobolka Hiiraan ay masuul ka yihiin Siyaasiyiin,Ganacsato iyo Odayaasha dhaqanka,isla markaana ay hurinayaan.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

“Maleeshiyaadka dagaalka ma wadi karaan ee waala hurinayaa,siyaasiyiin,Odayaal iyo Ganacsato ayaa dhaqaalo ku bixinaya,runtii waa nasiibdarro maalin lala xisaatamo ayaa imaan doonto ayuu uiri siyaasi Yuusuf Dabageed.

Deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac,waxana socda waan waan lagu xalinaayo dagaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here