DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in Duulaan ka Qaadeyso Sh/Dhexe

Kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa looga hadlay Arimo kala duwan.

Waxa Kulankaasi Shir gudoominayey R/wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre iyadoo Wasiirada Qaar laga dhageystay Warbixino ay soo diyaariyeen.

Wasiirada Maaliyada iyo Amniga Maxamuud Ducaale Isloow iyo C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku dheeraaday Warbixinada ay soo gudbiyeen.

La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Amniga sidii loo adkeyn lahaa ayaa laga hadlay,waxaana kadib shir jaraa’id qabtay kulanka markii uu soo dhamaaday Wasiirka Warfaafinta Injineer C/raxmaan Cusmaan Yariisoow.

Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay in dhawaan bilaaban doonaan Howlgal Al Shabaab lagula dagaalamayo oo laga fulin doono Gobolka Sh/Dhexe.

HALKAAN HOOSE KA DHAEGYSO CODKA YARIISOOW


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay