Home WARARKA DHAGEYSO: Xukuumada Oo Sheegtay inay Haween Dagaalka La Gala Shabaab Diyaariyeen

DHAGEYSO: Xukuumada Oo Sheegtay inay Haween Dagaalka La Gala Shabaab Diyaariyeen

5
0

Wasiirka  Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxay ka hadashay sida Shabaabku ay dhibaato ugu horseedeen Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo oo khudbad ka jeedineysay Kulan Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxay wacad ku martay inay Baraxa iyo Cuntada kadaba qaadi doonaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Cod dheer ayey Wasiir Khadiijo Diiriye ku baaqday inay Haween ciidanka ku taageeraan Dagaalka lala galayo Shabaabka iminkana ay iyada iyo Haween badan ay diyaar yihiin.

Munaasabad lagu taageerayey Dawlada Soomaaliya Ayaa la isku raacay in Doorka Haweenka ay noqdaan mid laga dareemo jiida dagaalka iyo Xoreynta lala galayo meelaha Ay Shabaabku maamulaan.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYYSTAO CODKA

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here