DHAGEYSO: Xukuumada oo Dhuunta Qabaneysa Hormuud Telecom & Shirkadaha Kale

Dawlada Soomaaliya ayaa wada sidii ay dib gacanteeda ugu soo celin laheyd Furaha Dalka ee 252 oo ah mid ay Ganacsato Soomaaliyeed isticmaalayeen tan iyo bur burkii Dawladii Siyaad barre Kadib.

Waxa ay Dawlada dhexe cod dheer ku sheegtay inaysan Aqbali doonin in Shirkado Gaar ah ay Adeegsadaan oo lacago ka macaashaan Furaha Dalka Soomaaliya (Code +252).

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Wasiirka Wasaarada Boostaha iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxa uu sheegay inay sidoo kale doonayaan sidii gacanta Dawlada loogu soo celin lahaa Domain-ka .so oo ay ganacsato isticmaalaan.

Wasiirka waxa uu meesha ka saaray in Caburin ay doonayaan in la geliyo Ganacsatada balse wixii hantida Qaranka aysan dooneyn in dad gaar ah adeegsadaan oo lacag ku raadsadaan.

Shirkada Hormuud Telecom iyo qaar ka mid ah Shirkadaha Soomaaliya ka jira ayaa muddo waxay ka macaashayeen Isticmaalka Furaha lagu soo waco Soomaaliya Ee 252 waxaana Settelite-ka Lacag la’aan uu uxisaabinayaa markii gudaha dadka wacayaan taleefoonadooda balse shirkadahaasi lacago ay ku helaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)