Dhageyso: Xildhibaano Af Miishaaro Ah Oo Diyaariyey Mooshin Cusub iyo Xaalka Oo Meel Xun Gaaray

Sida ay uxaqiijiyeen Shabkada Baahin.com ilo muhiim ah oo katirsan Golaha Shacabka ayaa waxa soconeysa mooshin laga keenayo Jawaari.

Waxa Mooshinkaasi soo diyaariyey Xildhibaano Mucaarad ku ah Dawlada oo u arka Jawaari mid ay soo adeegsadeen Farmaajo iyo Kheyre.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA warkaan

Xildhibaanadani waxay wacad ku mareen markii uu furmo golaha Shacabka Soomaaliya ay soo bandhigi doonaan mooshin laga keenay Afhayeenka Golaha Shacabka.

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Xildhibaano kale oo Mucaaaradka Farmaajo ayaa muujiyey in Dalka hadda Cadow ay Siyaasadiisa kor ka maamulayaan Ihaano iyo meel xuna lala rabo Soomaaliya.

Waxa Xildhibaanada Mucaaradka ah la isku dayayaa in La Af qabto dhawaana Farmaajo iyo Kheyre waxay Jawaari ka codsadeen inuu ka aamusiyo Mudanayaasha Xasaanada Leh Ee Dawlada toosha ku haya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay