Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan qaabkii ay u dhacday Doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Waxa ay sheegeen in ay doorteen shaqsigii laga dalbaday oo ay aad u taageersanaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay u dhacday Doorashada islamarkaana aysan jirin wax cadaalad daro ah oo ay sameeyeen, waxa ayna sheegeen in ay u hiiliyeen isbadalka.