DHAGEYSO: Xildhibaan Ka Digtay halis Doorasho Kadib Go’aankii Maanta

Xildhibaan Sagal Biixi Oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay Arinta kusaabsan Go’aanka Dawlada Dhexe ku gaartay Qabashada Doorashada Dalka.

Xildhibaan Sagal waxay hoosta ka xariiqday Saameynta ka dhalan karta Doorasho aan la isku waafaqsaneyn oo marxalado kala duwan abuuri karto.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisey in wakhti dambe ka lumin doonin shakhsiyaad ayna Doorashada qaban doonaan.

Jubbaland iyo Puntland ayaa waxay iyagoo ka maqan Dawlada ay sheegtay in Doorashada Aqalka Sare la qaban doono.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo deegaan Ahaan kasoo jeedo Soomaaliland ayaa waxay sheegtay in kuraasta Aqalka Sare iyaduna aan la isku raacin kuwooda Gobollada Wuqooyi sidaa awgeedna ay ka digayaan marxalad kale.