Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Galmudug iyo dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka.
Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda dhexe ay fara gelin ku hayso Maamul gobaleedyada ka jira dalka ,gaar ahaan xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka.
HOOS KADHAGEYSO WARKAAN