DHAGEYSO: Xasan Cali Kheyre Oo Siriq Culus U Dhigaya Mucaaradka Dawlada hadana ku nuux nuuxsaday

Waxa mar kale uu R/wasaare Xasan Cali Kheyre weerar Afka ah ku qaaday Shakhsiyaad Dawlada Mucaaradnimo qaawan ku haya.

Xasan Kheyre ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka hor yimaadaan Afkaar ay Qolyo Isbaariisteyaal uu ku sheegay la doonayaan.

Warkaas oo dadka ay maalmihii dambe Afkiisa ka maqlayeen R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa loo fasirtay in Mucaaradka ay af iyo adin dawladu inay uqabato dooneyso.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa la xaniinyo siibay siiba kuwa muqdisho ku dhaqan oo dhaliil iyo dhaleeceyn midna si qayaxan usoo gudbin Karin tan iyo weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur lagu Qaaday.

Waxa jira Mas’uuliyiin Xasaanad leh oo Dawlada katirsan islamarkaana aan la dhacsaneyn Siyaasada Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo dalka ku hogaaminayaan,iyaguna waxay Fariintooda Dhaliisha ah ku kooban tahay Facebook iyo Twitter inay kusoo qoraan.

Hadaba Hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa Calaamad Su’aal cusub Gelinaya oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay ka baaraan degayaan Dagaalka Cusub Ee Lagu Soo qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here