Home WARARKA DHAGEYSO: Waxgaradka Ku Dhaqan Xeraale oo Amray in lala Dagaalamo Ciidanka Ahlusuna

DHAGEYSO: Waxgaradka Ku Dhaqan Xeraale oo Amray in lala Dagaalamo Ciidanka Ahlusuna

2
0

Waxaa weli Xiisad dagaal ay ka jirtaa Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Gal gaduud halkaasi oo Isbuucii hore Ciidan ka mid ah Ahlusunada Gobollada Dhexe ay fariisimo ka sameysteen.

Shacabka deggan Xeraale ayaa qaarkood bilaabay kadib markii ay dareemeen Cabsi ah in Ciidankaan yimid ay Colaad abuuri karaan.

Xiisad ka dhalatay Ciidankaasi tagey Xeraale ayaa ka jirtay Deegaanka Afartii Cisho Ee Lasoo dhaafay iyadoo Dadka deegaanka ay sheegeen inay la dagaalamayaan Askarta lasoo geliyey Deegaanka hadii aan laga saarin.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Nabadoon Cabdullaahi Macalin Tooxoow oo ka mid ah Waxgaradka Xeraale ayaa Ku Eedeeyey Saraakiisha Ahlusunada timid deegaanka inay ka dhego fureysteen Dalab ay usoo jeediyeen.

Waxa uu Nabadoonku sheegay inay Saraakiishaasi ka codsadeen in deegaanka Nabad yahay ciidanka laga soo dul dejiyeyna Shacabka laga dul qaado oo Deegaanka Xasilooni daro laga Abuurin.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here