DHAGEYSO: Wasiir Xoosh oo muujiyey in P/land Culeys ka Heysto & Xog uu soo Bandhigay

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto Bisha Soo Socota Augusto Dhamaadkeeda Shirweyne Qaran oo looga hadli doono Arimaha Dastuurka.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisey Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya waxaana lagu Casuumay ilaa 300 Qof oo shaqadaan ay quseeyso.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira iyo Xubno Ajaanib ah ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona Shirkaasi looga Arinsanayo Arimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Wax kabadel lagu sameenayo.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa hoosta ka xariiqay inay dhageysan doonaan Afkaarta ay soo gudbiyaan ka qeyb galayaasha Shirkaasi dhici doona Bisha Soo socota.

Waxa uu Wasiir Xoosh sheegay in Puntland ay dareemayaan Culeys dhinacooda ka heysto balse ay ku xasuustaan sida dastuurka iyo Arimihiisa kaalin mug leh uga soo qaateen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)