DHAGEYSO: Wasiir Katirsan DFS Oo Kashifay Qorshe Ay La Doonayaan Gedo & Gobollo Kale

Dawlada Soomaaliya Ee Madaxweynaha uu ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxay dedaal badan ku bixineysaa sidii loo heli lahaa ciidan Tayo leh oo Sidii Kacaankii Dalka Awood Ku qabta.

Amniga Soomaaliya ayaa ah 50% maadaama Nabad la isku haleyn karo aysan jirin hadii ay hadda Xaalada deggan tahay aad filan karto in waxyar kadib Amni daro dhacdo.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Ururka Al Shabaab ayaa ah Mucaaradka Dagaalka kula jira Dawlada Soomaaliya iyo Dhinacyada taageera Ee AMISOM qeybta ka yihiin.

Hadda waxaa kusugan Gobolka Bay Magaalada Baydhabo Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka C/rashiid C/llaahi Maxamed iyagoo tegay Xerada Ciidanka Xoogga Dalka Qeybtooda 60-aad ay kusugan yihiin.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Difaaca Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa isagoo jooga Baydhabo sheegay inay doonayaan sidii loo kormeeri lahaa Ciidanka 60-aad ee jooga Meelo kala duwan oo Gobolka Gedo ay ku jirto islamarkaana la tayeen doono Awooda Ciidankaasi,sida uu warka udhigay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)