Dhageyso:-Wasiir Caadle Oo Shaaciyay Sababaha Keena Xilka Qaadista Badan Ee Maamulka Gobolka Hiiraan

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay eedeemo loo jeediyay Wasaarada arrimaha Gudaha Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay Wasiir Caadle in eedeymaha maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada loogu jeedinayay Wasaaraddu ay tahay mid la xiriirta waxa ku koobay oo kaliya  xilka qaadista maamulka Gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadlle ayaa sheegay in xilka qaadista Gobolka Hiiraan ay ka timaado Shacabka ku nool Gobolkaas,isla markaana ay u soo gudbiyaan Xildhibaanadood,kuwaasi oo Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle Cadadis ku saara in cidii ay u keensadan ay magacaabaan.

Dhinaca kale Wasiir Caadle ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ku aadanaa in cid aan lagala tashan maamulka Gobolka Hiiraan aan loo soo magacaabi Karin gobolkaasi,waxaana uu tilmaamay in hadalkaasi uusan waxa saameeyn ah ku yeelan doonin Shaqada Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here