DHAGEYSO WAREYSI: Jubbaland oo Bandow kusoo Rogtay Gobolka Jubada Hoose

Maamulka Jubbaland ayaa waxay Amar Culus ay soo saareen ku sheegeen in Bandow lagu soo rogay Deegaanada Gobolka Jubada Hoose.

Bandowga ayaa waxa uu bilaabanayaa 10:00Fiidnimo ilaa 6:00 Aroornimo waxaana ka mid ah meelaha uu saameenayo Buula Guduud,Lugloow,Goob weyn iyo Janaay Cabdalla.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Gudoomiyaha GobolkaJubada Hoose Ee Jubbaland C/rashiid C/llaahi Gooni oo warbaahinta qaar Wareysi siiyey waxa uu sheegay in Bandowgaan yahay mid Amniga lagu Xaqiijinayo.

Waxa uu C/rashiid Gooni hoosta ka xariiqay in Lagu kala Ogaanayo Shabaabka iyo Shacabka si buu yiri loo kala Saaro dadka Amni darada sameenaya Ee Nabada Kasoo horjeeda.

Deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa kusugan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo mararka qaarkood sameeya falal lidi ku ah Amniga Jubbaland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)