DHAGEYSO: Wararkii U Dambeeyey Shaqaale Samafal oo Shabaab ku Afduubteen Gobolka Bay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shaqaale Samafal oo lagu Afduubtay Magaalada Baydhabo meel duleedka ka ah iyadoo Ururka Al Shabaab ay Falkaasi Sameeyeen.

Dadka Ehelka la ah Shaqaalaha La afduubtay waxay sheegeen inay wadaan qorshe lagu soo deynayo dadkaasi ay Shabaabka Qafaasheeen.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Shaqaalahaan Samafal ayaa waxay ushaqeenayeen Hay’ad dhinaca Caafimaadka ah oo la yiraahdo GAREEDO kana Howlgasha Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xilliga Afduubka ay la kulmayeen Shaqaalahaasi waxay kusii jeedeen Deegaanka Deynuunaay oo 20 Km ujira Magaalada Baydhabo,waxaana hadda socota wadahadal Shabaab lala Gelayo oo ah in lasoo daayo Dadkaasi.

Al Shabaab ayaa lacag madax furasho ah ka doonaya Shaqaalahaasi ugacan galay iyagoo sheegay inay sii deyn doonaan hadii qidmadii ay codsadeen lasiiyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)