DHAGEYSO: Wafdi D.F Oo Deg deg Ugu direyso Berri Kismaayo,Garowe iyo…

Dawlada Soomaaliya ayaa mar kale waxay soo bandhigtay Tiro Kiisas Cusub ah oo Cudurka Covid 19 laga helay 24 Saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka Dalka Fowsiya Abiikar waxay sheegtay in tirada Dhimashada ay kusoo korortay 5 Xaaladood maadaama ay hore u aheyd 18 hadda ay gaartay 23 Qof,46 Kiis ayaa laga helay Cudurka kadib baaritaankii la sameeyey oo 33 rag yihiin.

Wasiir Fowsiya waxay sidoo kale sheegtay inay berri oo isniin ah bilaaban doonto sahan Wasaarada xubno ka socda iyo Saraakiil Hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO ah ay ku tegayaan Maamul Gobolleedyada sida Cudurka usaameeyey,qalabna la gaarsiin doono.

Isweydiinta ayaa ah,Ma dadka ayaan qaadanin Fariimaha Wacyi gelinta,Ma Dawlada ayaan Xakameyn Bandowga Habeenkii ka soke isu imaatinada Dadka,mise waxaa jira Ka bad badis Tirada Cudurka oo ay Dawlada wax ku dareyso sida Qaarkii bulshada aaminsan yihiin.