DHAGEYSO: Urur La Mid Ah Maxaakiimtii Islaamka Oo Laga Abaabulayo Muqdisho & Qolada Wada

Dalka Ereteria ayaa waxa lagu Eedeeyey inay abaabulayaan Sameynta Koox Islaami ah oo la sheegay inay ka hir geliyaan Koonfurta Soomaaiya.

Maxkamadaha Islaamka ayaa la aaminsan yahay inay ahaayeen kuwo Nabad ka dhigay Dalka mudadii lixda bil ay xukumayeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Ereteria ayaa la aaminsan yahay in sidii Maxkamadaha Urur u quwad weyn usameeyaan Soomaaliya oo Abaabulkiisa laga dareemayo Xamar oo ah Caasimada Dalka.

Sheekh C/qaadir Cali Muumin oo ka mid ahaa Ururkii Maxkamadaha markii dambena Dawlada Soomaaliya Xildhibaan iyo Wasiir Arimaha Gudaha kasoo noqday ayaa loo soo bandhigay in Barnaamijkaan uu socodsiiyo balse uu ka biyo diiday.

Dr Cumar Iimaan Abuubakar oo mar soo noqday Hogaamiyihii Ururkii bur buray Ee Xisbul Islaam ayaa waxa uu kamid yahay Qolada Sameyneysa Ururkaasi,sida Xogta ay ku heshay baahin.com.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)