DHAGEYSO: Taliyaha Booliska Gen.Saacid oo Shacabka Muqdisho Eedeeyey

Kulan looga hadlayey Amniga ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana iskugu yimid Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Waxa si weyn loogu gorfeeyey Amniga Muqdisho iyo sida wax looga qaban karo kooxaha Amni darada Abaabula.

Inta badan Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Hadashay waxay soo bandhigeen in loo baahan yahya wada shaqeyn dhab ah oo lala yimaado iyo Shacabka oo Xogta laga raadiyo.

Xildhibaan C/casiis Sheekh Maxamed oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare Ee baaralamaanka Dalka ayaa ku taliyey in ciidanka Booliska loo madax banaaneeyo sugida Amniga Caasimada Muqdisho.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Saacid ayaa codsaday in la iska taageero xaqiijinta Amniga,farina udiray Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho Amni daro baahsan ay ka jirtay Labadii bil Ee Lasoo dhaafay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay