DHAGEYSO: Soomaaliya oo Ka Hortimid Shir Caalami Ah oo Lagu Qaban Lahaa Kenya

Shir Caalami ah oo ay soo qaban qaabisey AMISOM islamarkaana la sheegay in looga hadli lahaa Howlgalka Nabad ilaalinta iyo Tayeynta Ciidamada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhici lahaa Nairobi.

Balse waxaa la sheegay in Dawlada Soomaaliya la sheegay inay ka hor timid ka qeyb galka Shirkaasi maadaama ay sheegeen in ay codsadeen in Soomalaiya Shirka loo soo wareejiyo qabashadiisa.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Siciid Saacid ayaa sheegay inay doonayaan shirkaasi in Xamar lagu qabto lacagta ku baxdana la siiyo Ciidanka Booliska.

Tiro Wasiiro Ah iyo Taliyeyaal Ciidan ayaa waxay iska diideen inay tegaan Nairobi oo shirkaasi ka qeyb galaan ay soo qaban qaabisey AMISOM oo looga hadli lahaa Arimaha Ciidanka Soomaaliya.

Inta badan Soomaaliya ayaa Shir loogu qabtaa Dalka Dibadiisa oo lacago badana lagu bixiyaa Fangareynta Shirka waxaase tallaabo geesinimo leh sameeyey Taliyaha Booliska Soomaaliya C/xakiin Saacid.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)