Home WARARKA DHAGEYSO: Somaliland Oo Ku Jeedsatay Imaaraadka Carabta Ugana Baxday Heshiiskii Ahaa…

DHAGEYSO: Somaliland Oo Ku Jeedsatay Imaaraadka Carabta Ugana Baxday Heshiiskii Ahaa…

1
0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen Dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aadan Saldhiga Millatari ee laga dhisayo Magaalada Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in weli uusan jirin heshiis dhex maray labada dal ee Somaliland iyo Dowladda imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Somaliland ay taqaano danteeda isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ay kala saxiixdeen dowladda Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa faah faahin ka bixiyay Wafdi Wasiiro ah uu isaga hogaaminayo oo kulamo kula soo qaatay Masuuliyiinta Dowladda Itoobiya.

Waxa uuna sheegay in wax badan ay ka wada hadleen isla markaana ay rajeynayaan in dowladda Itoobiya ay taageero dhinac walbo siiso Maamulka Somaliland.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here