DHAGEYSO: Shariif Xasan “Mac sokor ayay ku tahay Xasan Sheekh”

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay in uu keeni karo nidaam, nabad iyo hormar.

Waxa uu sheegay mar walba in loo baahnaa in dalka uu ka dhaco isbedel, isagoo sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu ka rajeynayo isku keenida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka hormar loo gaarsiin lahaa.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka waxa uu ka codsaday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in uusan xaq ulaheyn in uu sii hoggaamiyo dalka, maadaama loo baahnaa isbedel.

Arbacadii ina dhaaftay oo Taariikhda ay ku beegneyd 08-dii Bishan ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo lagu doortay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga Saddexaad ee Doorashada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)